Dawladaha Kenya iyo Cuba oo ka wadahadlay dhakhaatiir la afduubtay

4

Wasiiradda arrimaha dibadda Cuba iyo Kenya ayaa yeeshay wadahadalo dhanka telefoonka ah kaasoo ay arrin-sadeen xaalada dhakhaatiir ay 16-bilood kahor afduubatay Al-Shabaab.

Wadax-xaajoodyadda dhanka isgaarsiinta ee Bruno Rodríguez iyo Raychelle Awour Omamo ay iska xog-wareysteen meesha ay wax marayaan.

Rodríguez, wasiirka arrimaha dibadda Cuba oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa wuxuu yiri “Waxaan kaloo is-dhaafsanay aragtiyo ku saabsan wadahadaladeena laba geesoodka ah”

Ma jiro wax war ah oo illaa haatan kasoo baxay dhanka Kenya ee ku aadan wada xaajoodkan  dowlada kenya ayaa horey u sheegtay in ay dedaal badan u bixineyso sidii ay qaab nabad-gelyo ah ugu soo badbaadin lahayd howlwadeenadaas caafimaad.

Bishii April 12-keeda sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii dhakhaatiirta oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodríguez ay wateen dabley loo maleynayo Al-Shabaab xilli ay kusii jeedeen Isbitaalka Gaarisa.

Dhaqaatiirtan oo lagu kala magacaabo Herrera iyo Rodríguez ma jiro cid og meesha rasmiga ah oo ay ku suganyihiin.

Dowladda Kenya ayaa meesha ka saartey in ay lacag ku bixin doonto badbaada dhakhaatiirta waxayna ku goodisay in ay qaadeyso talaabo ciidan.

Assel Herrera iyo Landy Rodríguez ayaa Kenya ku tegay heshiis ay kala saxiixdeen labada dowladood kaasoo ahaa in dhakhaatiirta Cuba ay adeegyo caafimaad ka fuliyaan tuulooyinka, balse waxaa carqaladeeyay afduubkaas.