Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo lagu soo rogay amarro culus

24

Jeneraal Maxamed Sheekh Cabdullaihi Ciiro taliyaha qaybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu digniin u diray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee qeybta 60aad ka tirsan kuwaas oo iskaga tagay furiimahaa dagaalka.

Ciidamadan ayuu tilmaamay taliye Ciiro in ay hayaan shaqooyin leexsan, sida ilalinta masuuliyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, Oday dhaqameedyo iyo kuwa kale oo dano iyaga u gaar ah wata.

Intaa waxa uu ku daray taliyuhu in loo baahanyahay in muddo 24 saac gudahood ay ku soo laabtaan ciidamada ka maqan qeybaha ay ka tirsanyihiin.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Askarigii aan ku soo laaban muddada loo qabtay ee 24 saac ah, uu mari doono ciqaabteeda, isla markaasina laga qaadi doono tallaabo sharci ah , sida uu hadalka u dhigay.

Kal hore ayaa sidan oo kale waxaa arrintan uga hadlay Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage , isagoo amray in ciidamada haya shaqooyinka leexsan ay sida dhaqsiyaha badan ugu laabtaan xeryahooda iyo qaybaha ay ka tirsan yihiin.