Golaha ammaanka oo muddo kordhin u sameeyay xafiiska Q.M ee Soomaaliya

28

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markale mudo kordhin u sameeyay xafiiska hawlgalkooda Soomaaliya ee UNSOM.

Golaha ayaa kulan ay yeesheen Jimcihii waxa ay ku meel mariyeen qaraar tirsigiisu ahaa 2540, kaas oo mudo kordhin loogu sameenayo hawlgalka.

Illaa 31’da bisha August sanadka 2021 ayaa haatan lagaarsiiyay inta uu sii shaqeenayo xafiiskan taas oo lamicna ah in loogu daray hal sano oo dheeraad ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ujeedka xafiiskan uu yahay sidii uu garab muuqdo usiin lahaa dowladda fadaraalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah.

Waxaana Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay xafiiskan sameeyay sanadkii 2013.