Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Puntland?

21

Shirka Golaha Xukuumadda maamulka Puntland oo uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta lagu ansixiyey xeerka Isgaarsiinta Puntland.

Kulankaan oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa sidoo kale golaha Wasiirada waxa ay kaga doodeen xaaladda guud ee Pntland

Shirka waxaa sidoo kale looga hadlay amniga guud, dhisidda Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Galdogob iyo Bursalaax, xaaladda Ayaxa, midaynta Akoonada Dowladda (TSA), dib u habaynta mushaharka shaqaalaha iyo dhismaha garoomada kubadda Cagta Puntland.

Waxaa sidoo kale diirada lagu saaray Safarka Madaxweyne Deni uu maalmaha soo socda ku imaan doono Muqdisho.