Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab oo ku dagaallamay Jubbada Hoose

11

Wararka aan ka helayno gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal ku dhex maray dgaalamayaasha Al-Shabaab iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada Daraawiishta ee maamulka Jubbaland.

Sida uu KNN u xaqiijiyay taliyahay guud ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Aadan Maxamuud Aan Goojaar, dagaal oo socday mudo saacado ah, ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliye Aadan Goojaar ayaa sheegay in dhinkooda ay ka dhinteen Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Labo Askari ,halka Labo kalena ay kaga dhaawacmeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay taliyuhu in ay khasaare weyn gaarsiiyeen, dagaalamayaasha Al-Shabaab oo uu dagaalku dhex maray.