War-murtiyeed laga soo saaray shirka Wadatashiga Puntland iyo Jubaland.

19

Madaxweyneyaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa maanta soo saareen warmutiyeed ay heshiiyeen labada maamul, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Labada madaxweyne ayaa sheegay in kulankooda ay ugu hadleen iskaashiga ka dhexeeya labada Dowladood ee Puntland iyo Jubbaland.

Qodobada ay ku heshiiyeen labada madaxweyne ayaa waxaa ka mid ah:-

Dowladaha Jubaland iyo Puntland ayaa isku raacay aragti siyaasadeed iyo mabaadii aasaasi ah oo gundhig u noqon kara hirgalinta doorasho la fulin karo, kuna dhacda wakhtigeedii si looga fogaado xasillooni darro siyaasadeed iyo Khalkha, amni.

Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ee Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir socday labo maalmood (25-26 August 2020) waxay ku yeesheen Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Dowladaha Jubaland iyo Puntland waxay Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaan in laga wada qayb qaato sidii ay Dalka uga dhici lahayd doorasho, lana illaaliyo wadajirka, amniga iyo xasilloonida Dalka.

Dowladaha Jubaland iyo Puntland waxay uga mahad celinayaan Beesha Caalamka dadaalka ay ugu jiraan in Dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho wakhtigeedii ku dhacda, loona dhanyahay.