HALKAN KA DHAGAYSO BARNAAMIJKA SAMA WADE EE EE RADIO MARKABLEY

17
Kulanto wanaagsan dhageysatayal ku soo dhawaada barnaamijka  sama wade  ee radio markabley

Barnaamijka sama wade caawo waxaan ku soo qaadanaynaa

iyadoo ay aad usoo kordhayaan tirada dhalinyarada kasoo baxsanaya Argagixisada Alshabaab iyo kuwa u bareeraya in ay ka hor yimaadan ayaa la iseaydiinkaraa waa maxeey sababtu.

Khubarada qaar ayaa aaminsan in tani ay timid ka dib markii dhalinyaradu ogaadeen in horjoogayaasha kooxdu ay been cad usheegayaan isla markaana ka shaqaynayaan oo kaliya danahooda kana taxadaraynin mustaqbalka dhalinyarada wax dan ahna ka lahayn daryeelka qooysaskooda sidoo kalana xaqiiqsadeen in baahida ay reerahoodu uqabaan caawimasdooda ay gaareen go,aanka ah in ay kasoo baxaan safka kooxda oo si cad uga beensheegaya diinta islaamka ficiladooda iyo hadaladooduna yihiin kuwa isbeeninaya.

Hadaba maku raacsantahay aragtida ay qaadanayaan dhalinyaradaas in ay kasoo tagaan safka kooxda mar haddii ay xaqiiqada arkeen

Barnaamiujka sama wade caawo waxaa marti ku ah ,

Gudoomiye ku xigeenka degmada doolow Somalia Naskax ibraahijn xuseen

Madaxa arimaha bulshada c /fitaax  ismaaciil xusen

Gudoomiyaha ururka dhalin yarada degmada doolow Bare cabdi cali

Barnaamijka waxaad si toos  ah ugala socotaan radio markabley  FM 88.8 baardheere iyada oo cida uu seego barnaamijkan ay dib uga daalacan karto janalka yutubkeena sama wade show ama barta facebook
Samawade.so

Inta barnaamijka uu hawada ku jiro waxaad fariin noogu soo diri kartaan telefoonka nambarkiisa uu yahay
0613880535,  sidoo kale waxaad fariimaha noogu soo diri kartaan imfo@samawade.so

Barnaamijka aalaa waxaa idin soo jeediyo aniga oo ah yaxye c/risaaq soofe. Dhanka farsamada waa maxamed deeq cabdi cali (alfa)
barnaamijka sama wade  caawa waxaa soo saaray khaddar maxamed siraad
waa mar kale iyo barnaamijkii  sama wade ee radio markabley