Xasan Sheekh Maxamuud oo faahfaahiyay kulankii Fahad Yaasiin

57

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan uu xalay Magaalada Muqdisho kula qaatay taliyaha Hay’adda nabadsuggida iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu si cad u sheegay in kulankaasi uusan Siyaasad ku saabsaneyn, islamarkaana ay ka wada hadleen Arrimo ka baxsan Siyaasadda.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in taliyaha uu soo booqday, maadaama uu yahay oday Soomaaliyed oo horay dalka u soo maamulay.

“Kulankii aniga iyo Fahad yasiin nagu dhaxmaray hooygeyga shalay ma ahayn kulan siyaasadeed.” ayuu yiri Xasan Sheekh War uu ku daabacay Twiterkiisa.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Wax ajende siyaasadeed ah oo aan ka wada hadalnay ma jirin. Wuxuu ahaa booqasho salaan ah. Maadaam aan oday Soomaaliyeed ahayna qof kasta oo soo gasho gurigeyga waa la xusmeynaa mar kasta”