Xildhibaannada Hirshabeelle oo ku baaqay in doorashada Hirshabeelle ay ku dhacdo waqtigeeda

17

Xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay ka hadleen arrimaha doorashooyinka ee maamulka Hishabeelle.

Xildhibaannada qaar oo la hadlay KNN ayaa waxa ay sheegeen in ay waajib tahay, in waqtigii loo cayimay aysan ka dib dhici karin.

Madaxda maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay u sheegeen in ay isku diyaariyaan doorashada maamulka Hirshabeelle ee tan xigta, si aysan uga dib dhici waqtigii loogu talo galay in ay dhacdo.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa, xilli laga cabsi qabo in madaxda maamulka Hirshabeelle ay doonayaan , in loo sameeyo mudo kordhin.