Banaanbax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

22

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay banaanbax ay dhigayaan, darawallada gaadiidka xamuulka qaada .

Dawallada banaan baxa dhigayay ayaa waxa ay ka cabanayeen ciidamada dawlada oo ka celiyay isticmaalka wadooyinka magaalada.

Waxa ay sheegeen in marista wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ay ku qaadato maalmo iyo habeeno fara badan, oo aysan tagin karin xitaa xaafadahooda, taasina ay caqabad ku tahay shaqooyinkooda iyo noloshoodaba .

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan, oo tagay goobta uu banaanbaxu ka socday oo ahayd isla degmadaasi, ayaa waxa uu ka dalbaday in ay is dajiyaan isla markaasina ay cabashoodooda tixgelin doonaan.

Sidoo kale guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in maamulka degmada Kaaraan uu ku dadaali doono sidii uu wax uga qaban lahaa cabashada ka soo yeertay, darwallada gaadiidka xamuulka, isagoo sidoo kale ka dalbaday in aysan abuurin rabshado .