Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur oo gaaray Dhuusamareeb

1

Wafdi uu hoggaaminayay hoggaamiyaha xisbiga wadajir  Cabdiraxmaan Cabdishakuur warsame ayaa maanta waxaa uu gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gboleedka Galmudug.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka dayaaradaha ee ugaas Nuur ku soo dhaweeyay madax ka tirsan maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaalada Dhuusamareeb.

Siyaasiga ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Dhuusamareeb.

Hadal kooban uu warbaahinta u sheegay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.