Xildhibaan Cabdi Xakiin Macalin Axmed oo loo doortay Xoghayaha guddiga Maaliyadda

35

Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorshaynta iyo La- Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa maanta oo ay Taariikhdeedu tahay 25/08/2020 waxay kulan Kula yeesheen Xarunta Guddiyadda ee Villa-Hargeysa, waxaana ka qeyb galay Sii Hayaha Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Agaasimaha Waaxda Xalka Waara.

Kulankaa oo Ajandihiisu ahaa:
1. Xeerka Hay’adaha aan Dowliga Aheyn.
2. Doorashada Xog-hayaha Guudiga Maaliyadda

Kulanka Waxaa Shir-gudoominaayey Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyada, Maaliyadda Xildh: Aamina Shiikh Cusmaan,
Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xil. Jamaal Maxamed Xassan ayaa warbixin kooban ka siiyey Xeerka Hay’adaha aan Dowliga Aheyn ahmiyada uu u lee yahay Dalka.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa u doortay Xil CabdiXakiin Macalin Axmed Maalin inuu noqdo Xog-hayaha Guddiga Maaliyadda.