Muuse Biixi oo kulan la qaatay guddiga doorashooyinka Somaliland

42

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland kula kulmay , guddiga doorashooyinka Somaliland.

Guddiga ayaa madaxweynaha uga warbixiyay hawlihii u qabsoomay , ee la xiriira arrimaha doorashada Somaliland , iyo sidoo kale kuwa ay wajahayaan in ay qabtaan.

Waxyabihii ay guddiga uga warbixyeen madaxweyne Biixi ayaa waxaa ka mid ahaa , in ay xisbi siyaasadeedka ka jira Somaliland ay la wadaageen , jadwalka is diiwaangelinta.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku bogaadiyay guddiga ku bogaadiyay hawlaha ay qabteen, isaga oo u sheegay in ay dardar geliyaan hawlaha kale ee horyaalla.

Somaliland ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo doorasho nooceedu yahay mid isku-sidkan, taas oo ay kuwada heshiiyeen golayaasha wakiillada iyo kan deegaanka ee Somaliland