Cabsi dagaal oo ka jirta qaybo ka tirsan gobolka Mudug

19

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in xaalad cabsi dagaal ah, ay ka jirto qaybo ka tirsan gobolkaasi.

Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay soo buux dhaafiyeen, qaybo badan oo ka tirsan gobolkaas.

Deegaanno dhow ah oo hoos taga magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa waxaa la sheegayaa in ay soo buux dhaafiyeen Shabaab aad u fara badan.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay sheegayaan, in ay soo foodsaartay cabsi xooggan, iyagoo sheegay in ay ka cabsi qabaan in dagaal ay ka gaystaan gobolka Mudug.

Waxa ay ku soo aadaysaa iyadoo maamulka Galmudug uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan dagaalamayaasha Al-Shabaab, si looga saaro deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada Mudug iyo Galgaduud.