Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Wanla-weyn

11

Qarax geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay degmada wanla wayn ee gobolka Shabeelada Hoose.

Qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay Suuqa wayn ee Dagmada Wanlaweyn, waxaana goobjoogayaal ay KNN u sheegeen in qaraxaas ay ku dhinteen laba qof oo Shacab ah halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Maamulka Dagmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose weli kama hadlin qaraxa ka dhacay degmadaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Walanweyn ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii qaraxaasi ka dambeeyay walow aysan ku guuleysan.