Kenya oo bilowday dhismaha darbiga ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya

67

Dowladda Kenya oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ciidamo dheeraad ah dhigtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya  ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay billowday dhismaha darbiga dheer ee ay ka dhiseyso xadka labada dal.

Ciidamada la dhigay xadka ayaa la sheegay inay waardiye ka noqon doonaan dhismaha darbigaas oo laga dhisayo dhanka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Dadka deegaanka oo la hadlay KNN ayaa sheegay in la bilaabay dhismaha darbiga ay ka dhiseyso xadka u dhaxeeyo Kenya iyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore uga hortimid dhismaha darbigaasi iyadoo ku tilmaamtay mid ku saleysan dhul balaarsi caqabadna ku ah, isku socodka labada dal.

Kenya ayaa sababta u dhiseyso sidoo kale horey ugu sheegtay sababo la xiriira ammaanka dalkeeda, si ay uga hortago weerarada uga imaanaya dagaalamayaasha Al-Shabaab.