Mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsanaa wasaaradda caafimaadka oo xukuno lagu riday.

7

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday Mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsanaa Wasaarada Caafimaadka kuwaasi oo lagu soo eedeeyay in ay musuq maasuqeen hantida Dadweyne.

Ehelada eedeysanayaasha iyo marqaatiyaal ayaa ku sugnaa gudaha Maxkamadda Gobolka Benaadir, iyadoo halkaasi u tagey dhagaysiga xukunka maxkamadda  Gobolka Banaadir .

Maxkamada Gobalka Banaadir ayaa soo gaba gabeysay Dacwaddii iyadoo ku dhawaaqay xukunada 9 ruux oo ka tirsanaa wasaaradda ku waasi oo 14 fadhi la soo dhagaystay dacwadooda.