Axmed Madoobe oo gaaray Garoowe.

31

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa goordhaw gaaray Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland, waxaana garoonka Diyaaraddaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha cusub ee Puntland.

Wafdiga Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa ka mid ah Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka Jubbaland.

Labada Mas’uul ayaa kawada hadli doono arrimo ku saabsan Doorashada soo socota ee 2020/2021, ee Soomaaliya, iyo heshiiskii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3, kaasi oo ka qeyb galeen Madaxweyne Farmaajo, maamulada Koofur galbeed, Hirshabe, Galmudug iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.