Deni iyo guddoonka golaha wakiilada oo shir ka yeeshay arimaha doorashooyinka soomaaliya.

20

Madaxweynaha Maamulka  Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay Magaalada Garoowe Xubnaha Golihiisa Wasiirada, isaga oo kala hadlay xaalada siyaasadeed ee xiligan uu marayo dalka iyo doorashooyinka.

Madaxweyne Deni iyo Gudoonka Golaha Wakiilada ayaa kulankooda waxaa uu ahaa mid is xogwareysi iyo la tashi ah, isla markaana ay ku falan qeeyeen Arrimaha kajira degaannada Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Guddoonka Golaha Wakiilada iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland Axmed Karaash iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Maamulkaas.

Afhayeenka Warfaafinta Puntland Jaamac Dabaraani ayaa sheegay in kulanka uu ku saabsana wadatashi laga yeeshay xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2020/21 iyo aragtida Puntland.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddoonka golaha Wakiilada waxaa uu la wadagay aragtida uu ka qabo tallaabooyinkii ugu dambeeyay oo ay qaaday Dowladda Federaalka Soomalaiya, isaga o dhinaca kale ugu baaqay inay doorkooda qaataan xaalada siyaasaadeed ee dalka.