Midowga Yurubka oo war ka soo saaray markabka la sheegay in lagu afduubtay Puntland

23

Howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad-badeeda Soomaaliya ayaa tafaasiil kasoo saarey Markabkii la sheegay  in asbuucii hore lagu afduubtay xeebaha deegaanada maamulka Puntland, sida lagu daabacay wakaalada wararka ee Reuters

Howlgalka EU NAVFOR oo shaaca ka qaaday  in uu baaritaan ku sameeyay dhacdadaas ay oggaadeen  in aysan waxba ka jirin  afduubta,  islamarkaana markabka uu xeebaha Bareeda u tegay cilad farsamo.

Warbixinta howlgalka ayaa lagu sheegay in  markabka uu xeebta magaaladaasi  ka tirsan gobolka Bari  uu u tegay si uu uga gaashaanto bad-xiranka.

“Mar-xaladan la joogo, dhacdadan ma noqon karto fal amni oo ka dhacay badda, balse fahfaahinta baaritaanka waanu baahin doonaa,” ayaa lagu yiri warbixinta .

Markabkan oo lagu magacaabo AEGIAN II ku safrayey calanka Panama kana yimid dekadda Shajah ee Imaaraadka Carabta kuna sii jeeday marsadda Muqdisho wuxuu shidaal u wadday ganacsato Soomaaliyeed.

Markabka oo laga leeyahay Gariiriga ayaa shalay ku xirtay dekada magaalada Boosaaso, halkaasi oo uu uga soo gudbi doono Muqdisho, iyaddoona maamulka  Puntland saartey ciidamo amnigiisa sugaya.