Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtey Kismaayo.

2

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa maalmahii lasoo dhaafay Safar Caafimaad ku joogay Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya.

Waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku soo dhaweey Labada Madaxweyne ku xigeen Iyo xubno ka tirsan Wasiiradda iyo Xildhibaanada Maamulkaasi.