Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweyne Deni & Golihiisa Wasiirada?

19

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey kulanka uu la yeeshay Golaha Wasiirada Maamulkaas.

Kulanka oo Madaxweynaha uu ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale ka qeybgalay La taliyayaal Madaxweyne.

Madaxweynaha ayaa Golaha uga warbixiyey safarkii uu ku tegay Dhuusamareeb oo uu kaga qeyb-galay wajigii labaad ee Shirka looga hadlayey Doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Golaha uga warbixiyey Safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti iyo shaqadii wanaagsaneyd ee laga soo qabtay Gobolka Mudug oo Madaxweynuhu Safar ku tegay, isagoo booqday degmooyin iyo deegaamo ka tirsan Gobolkaasi.” Ayuu yiri Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jaamac Dabaraani.

Hay’addaha Dowladda waxaa la faray in Shaqadu ay sidoodii hore kusoo laabato, sida gudashada shaqada iyo saacadaha la imanayo Xafiisyada , Iyadoo lasoo saarayo Hab-raacyo kooban oo Caafimaad kuwaasi oo ku saabsan sida loola noolanayo khatarta xanuunka Covid19.