Guddiga doorashooyinka Somaliland oo mudeeyay doorashada Golaha Wakiilada & Golayaasha Deegaanka.

40

Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in waqtiga Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Degaanka lagu heshiiyay kadib kulmo maalmaahan socday.

Saddexda Xisbi Qaran & Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo muddooyinkii ugu dambeeyey yeelanayey wada-xaajood iyo doodo la xiriira Waqtiga qabashada doorashada isku sidkan ee Golaha Wakiilada & Golayaasha Deegaanka, waxa ay saaka isla af-garteen in doorashada isku sidkan lagu qabto muddo ku siman 9 bilood.

Saddexda Xisbi Qaran iyo Guddiga Doorashooyinka waxa ay isla qaateen in ay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan arrimaha doorashooyinka.