Ganacsatada Qaadka Kenya oo dalbaday in suuqyo cusub loo raadiyo Qaadka iyagoo ka niyad jabay Soomaaliya

0

Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa dowladdooda ugu baaqday inay suuqyo kuyaala qaaradda Afrika u raadiso ganacsiga Qaadka Miiroowga, si looga kaaftoomo baahida loo qabo Qaadka loo iib gayn jiray Soomaaliya.

Ganacsatadu waxay sheegeen inay khasaare baaxad weyn leh kala kulmeen tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay joojisay duulimaadyadii Qaadka ee tegi jiray Soomaaliya, taasoo keentay ganacsatada Kenya ka aamusi waayaan arrintan.

Isku day ganacsatada Kenya ugu ololeeyeen dowladda Soomaaliya inay dib u furto ganacsiga Qaadka iyo dib u furitaanka xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaan midho dhalin.

Ururka Ganacsatada ayaa sidoo kale ku riixaya dowlada Kenya in ay ogolaato ganacsiga xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, si loo ogolaado in qaadka dhulka la mariyo oo laga gudbiyo xuduuda labada waddan.

Gudoomiyaha Ganacsatada Miiraa ayaa sheegay hadii loo ogolaado inay maalin kasta u dhoofin karaan Soomaaliya in ka badan 20 tan oo miraa ah.

Wuxuu sheegay in tani ay u noqon laheyd gacan ku haynta beeraleyda iyo ganacsatada oo lumiyey maalin walba 50 tan oo Miiraa ah oo hawada la marin jiray.