Askar horey dil u gaystay oo xukun lagu riday

20

Maxkamada ciidamada Jubbaland ayaa maanta xukun ku riday eedeysanayaal horay dil  u geystay kuwaasi oo dhageysiga dacwadooda muddooyinkii dambe ay ka socotay maxkamadda.

Eedeysanayaasha maxkamada la horkeenay ayaa waxaa ay kala ahaayeen dable Faarax Cabdirashiid Cilmi iyo Maxamedrashiid Maxamuud oo ka tirsan ciidamada daraawiishta Jubbaland.

Raggaan ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in ay dil ugu geysteen duleedka magaalada Kismaayo qof shacab ah oo lagu magacaabi jiray Cali Muxumad.

Faarax Cabdirashiid Cilmi ayaa waxaa ay maxkamadu ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta dilka marxuum Cali Muxumed, halka Maxamed Cabdirashiid isna lagu xukumay Saddex sanno oo xarig ah .