Booliska Caabudwaaq oo gacanta ku dhigay khamri iyo dadkii ka ganacsanayay

16

Ciidamada Booliiska degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan degmada waxey ku soo qabteen maandooriyaha khamriga iyo dadkii ka ganacsanayay.

Taliyaha Booliiska saldhiga degmada Caabudwaaq G/le Qalbi Axmed Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen 7 kamid ah dadka ka ganacsada maandooriyaha khamriga.

Taliyaha ayaa tilmaamay in maandooriyahaan laga soo geliyo dhanka Itoobiya wuxuuna bulshada iyo dadka keenaba uga digay isticmaalka iyo ka ganacsiga khamriga oo diinta Islaamku mamnuucday isticmaalkiisa.