Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay xabad joojinta Liibiya.

5

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay xabad joojinta ay ku dhawaaqday dowladda Liibya ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay magaalada Tripoli.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xabad joojinta ay bilaaw u tahay amni ay helaan bulshada reer Liibiya oo khilaafyada diloodeen.

“Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn u soo dhoweyneysa “is afgarad muhiim ah” oo ay ku dhawaaqday Dowladda Heshiiskii Qaranka ee Dawladda Liibiya iyo Golaha Wakiillada bishii Agoosto 20″ ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinacyada isku haya dalka Liibiya ugu baaqday in ay sii xoojiyaan xabad joojintan si loo gaaro xal rasmi ah oo  dhinacyada u dhaxeeya isla markaana ay u tanaasulaan danta Liibiya.

Liibya ayaa ku jirtay rabshad tan iyo 2011-kii, markaasi oo kacdoon xukunka looga tuuray Madaxweynihii dalkaasi mudada dheer xukunka hayey Moammar Gadhafi.