Xog: Sida ay hubka ku helaan maxaabiista Shabaab iyo wararkii ugu dambeeyey xabsiga dhexe

28

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo dagaalka ka dhex socdo xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa sheegayo in la toogtay qaar ka tirsan maxaabiistii ka dhex dagaalameysay Xabsiga.

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka, kooxda ka dhex dagaalameysa xabsiga waxay adeegsanayaan bastoolado iyo bamboo-gacmeedyo.

Sidoo kale waxay sheegeen saraakiishan in la toogtay qaar ka mid ah ciidamadii ilaalada ka ahaa xabsiga dhexe.

Maxaabiistan ayaa la aamisan yahay inay ugu xirnaayeen xabsiga dhexe inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan laamaha amniga oo magacisa codsaday in aan la sheegin ayaa warbaahinta u sheegay in illaa afar ka tirsan maxaabiista oo u xukuman Al-Shabaab-nimo ay weerarkan ku lug leeyihiin, isla markaana ay weli xabsiga ka dhex dagaalamayaan.

Maxaabiista ka tirsan Al-Shabaab ee ka dhex dagaalamay xabsiga Dhexe ayaa la sheegay inay markii hore ay gacanta ku dhigeen qoryaha fudud kadib ay sidaas ku bilaabatay is rasaaseynta iyadoo markii dambe ay maxaabiista dagaalameysay bilaabeen inay isticmaalaan bambaanada gacanta laga tuuro.

Wararku waxay intaas ku darayaan in weerarkan uu ka socdo qaybta xabsiga dhexe ay uga xiranyihiin maxaabiista ku xukuman xabsi daa’inka.

Ciidamada ilaalada xabsiga ee Asluubta iyo kuwo kale oo boolis ah ayaa weli la tacaalaya soo afjaridda weerarkaas.

Waxaa jiro khasaaro xoog leh oo ka dhashay weerarkaas kuwaas oo soo gaaray maxaabiis ku xirnaa xabsiga, dadka Shacab ah iyo ciidamadii dagaalamay.

Sidoo kale maxaabiista qaar ayaa la sheegay inay ka baxsadeen xabsiga iyagoo ka faa’ideysanayey dagaalkii cuslaa xabsiga ka dhex bilowday.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in lasoo afjaray dagaalkii ka dhex socday xabsiga dhexe.