Halkan Dhageyso Barnaamijka samawade ee Radio Markabley Baardheere

29

Sida lagu ogaaday Daraasad lasameeyay, waxaa aad sara ugu kacay waxyeelada tooska ah eesida ku tala galka ay argagixisada Shabaab ugu gaystaan Shacabka caadiga ah labadii Sano ee lasoo dhaafay ka dib markii ay kooxdu ku guuldaraysatay weeraradii ay ka gaysanjirtay xarumaha Dawladda ka dibna sida muuqata ay garoowsadeen in ay shacabka toos ubeegsadaan.

Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu danbeeyay ugunaxanuunka badnaa waxeey ka dhaceen baydhabo oo kooxdu gurigiisa ku dhexdishay marxuum Nuur Mukhtaar jiis oo ahaa nin naafo ah oo aan waxba galabsan.

Hadaba mar haddii sida ku cad daraasadaan ay kooxdu toos u beegsanayso shacabka hadana isku dayayso in ay isticmaasho isla shacabkaas, maxaa nala gudboon

Barnaamjka caawa waxa marti iigu ah
GUDOOMIYAHA AHLUSUNA EE KOONFURTA SOOMAALIYA SHEEKH C/RAXMAAN AXMED AMIIN ( SHEEKH C/RAXMAAN ALANSAARI)
Barnaamijka waxaad si toos ah ugala socotaan radio markabley FM 88.8 baardheere iyada oo cida uu seego barnaamijkan ay dib uga daalacan karto janalka yutubkeena sama wade show ama barta facebook
Samawade.so

Inta barnaamijka uu hawada ku jiro waxaad fariin noogu soo diri kartaan telefoonka nambarkiisa uu yahay
0613880535, sidoo kale waxaad fariimaha noogu soo diri kartaan imfo@samawade.so cida su’aal waydiinayso mas’uuliyiinta barnaamijka caawo martida ku ah ama fikir nagu biirinayso waxaad si toos ah nooga soo wici kartaan leenka idaacada markabley 04360113.
Barnaamijka aalaa waxaa idin soo jeediyo aniga oo ah yaxye c/risaaq soofe. Dhanka farsamada waa maxamed deeq cabdi cali (alfa)

barnaamijka sama wade caawa waxaa soo saaray khaddar maxamed siraad
Qaybaha danbe ee barnaamijkana waxaan qadadka u furaynaa dhagaystayaasha si ay noogu biiriyaan su’aal ama fikir waxa ay inoo hayaan,