Madaxweyne Deni oo Magacaabay Taliyeyaal Cusub

16

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntlad Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta magacaabay Taliyaha ciidanka madaxtooyarda iyo taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland. Waxaa sidoo kale G/sare Maxamed Aadan Jaamac loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Halkaan ka Akhriso qoraalka madaxtooyada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 51 August 10, 2020 ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta iyo xoojinta hawlaha Amniga.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland

2. Waxaa G/sare Maxamed Aadan Jaamac loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

*Xeerkani waxaa uu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.