QM oo warbixin kasoo saartay nus malyuun dad ka badan oo ku barakacay gudaha Soomaaliya

13

Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya intii ay da’ayeen roobabkii u dambeeyey ee guga iyo xagaaga.

Warbixinta UNHCR waxaa lagu sheegay in 650,000 oo qofood ay ku barakaceen gudaha Soomaaliya, kuwaas oo 23,000 ka mid ah la diwaan geliyey todobaadkii lasoo dhaafay.

Hey’adan waxay sheegtay in dadka ugu daran ay ka barakaceen fatahaadaha ay wabiyada Jubba iyo Shabeelle ka geysteen deegaanada ay ka maraan dalka, isla markaana ay u baahanyihiin gurmad deg deg ah.

Sidoo kale waxay soo bandhigtay hey’addu caqabado hor leh oo ay wajihi karaan dadka ka barakacay guryahooda, kuwaas oo ay sheegtay in qaarkood aysan xamili karin is bedelka cimillada dalka iyo meelaha qaar oo ay ka dhici karaan tacadiyo ka dhan ah aadanaha.