30 sanno ka dib Dhismaha Buundada Baardheere oo la daah furey(SAWIRRO)

95

Rajada laga qabo dib u dayctirka dhismaha Buundada Baardheere oo bur bur saneyd Muddo ka badan ilaa 30 sanno ayaa sii korortey maalmahii u dambeeyey ka dib markii diyaarado lagu keenay Qalabkii lagu dhisi Buundada liyo Enjineeradii howshaasi.

Dhagax dhiga Dhismaha Buundada ayaa waxaa uu ka dambeeyey ka dib markii degmada ay soo gaareen Mas,uuliyiin ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya iyo xubno wasiir ku xigeeno ah waxaa wafdigaasi horkacayey Senatar Mowliid xuseen guhaad oo ah G.ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare.
Xubnahan Wafdiga oo saxaafada kula hadlayey Buundada ayaa waxay sheegeen in la bilaabi doono waxii manta ka dambeeya dib u dayactirka Balaaran ee lagu sameynayo Buunadada Baardheere oo ay sheegeen ahmiyada balaaran in ay u leedahay bulshada Soomaaliyeed.

Buundada Baardheere oo la dhisey sanadka markuu ahaa 1978 ayaa 29 kii sanno ee la soo dhaafey aanan helin wax dayactir ah,dadka,Gaadiidka iyo Xoolaha ka gudbaya ayaa xilligan waxay ku maraan si macmal ah,