Faahfaahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Muqdisho

32

Qarax is-miidaamin ah oo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay barqadii maanta ka fuliyeen xarunta ciidamada militeriga Soomaaliya qeybta 27-aad ay ku leeyihiin Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 8-qof ayaa ku geeriyootay qaraxaas, 14 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxaas, waxaana mas’uuliyadiisa sheegtay ururka Al-Shabaab.

Qaraxu waxa uu ka dhacay iridda hore ee xarun ay ciidamada militeriga Soomaaliya ku leeyihiin dhabarka dembe ee garoonka kubbada cagta ee Stadium Muqdisho.

Qaraxa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, isla markaana uu waday qof naftiisa halige ah.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayey ku sheegteen mas’uuliyadiisa, waxayna sheegeen in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh iyo burbur soo gaaray gaadiidka ciidanka, sida ay hadalka u dhigeen.