:-Wasiir Beyle oo ka qeybgalay shir ay wadajir ay u soo qaban qaabiyeen IMF iyo Bangiga Adduunka.

21

Sii hayaha Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qeyb galay shir lagu qabtay Fogaan arraga oo ay si wadajir u soo qaban qaabiyeen Haya’adda lacagata Addunka ee loo yaqaan IMF iyo Bangiga Adduunk.

Shirkaan oo ahaa mid heer Sare ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiradda Maaliyadda dalalka dalalka Afrika.

Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka ayaa waxa uu faah Faahin ka bixiyay ayaa sheegay in shirka ay uga hadleen arrimaha xanuunka Covid-19 iyo saamaynta uu gaystay dhaqaalaha.

“Maanta waxa aan ka qeyb galay shir ay wadajir u soo qaban qaabiyeen IMF iyo World Bank, isla markaana ay ka soo qeyb galeen Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika, Waxa aan ka wada hadalnay sidii aan isaga kaashan laheyn saameynta uu qaaradda ku yeeshay xanuunka Covid-19.
” ayuu yiri wasiir Beyle.

Shirka wasiiradda maaliyadda Africa Bangiga Aduunka, iyo IMF ayaa ku soo beegmaya xili Caalamku uu wajahayo dhibaatooyin dhaqaale ku waasi oo uu Sababay xanuunka Covid-19.