Puntland “Qaadka Kenya wuxuu u xaniban yahay Go’aankii Dowlada Federalka ah”

31

Maamulka Puntland ayaa sheegay in Qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya uu u xaniban yahay go’aan kasoo baxay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ku aadan in aysan wali fasaxin.

Puntland waxa ay sidoo kale sheegtay in dhawaan ay rajo ka qabto in dib loo fasaxo qaadka oo ka soo dego garoomada maamulka Puntland.

Wasiirka duulista Hawadda Puntland Ilyaas Cismaan Luga-Toor ayaa xusay in Puntland uu si joogto ah qaad uga yimaado dhanka dalka Itoobiya,maadaama horay Puntland ay u fasaxday in qaadka  imaan karo degaanadeeda.

“Qaadka Kenya wuxuu u xaniban yahay Go’aankii Dowlada Federalka ah, waxaan filaynaa inay dhowaan fasaxaan” ayuu yiri Wasiirka.

Waxaa uu ku eedeeyay dowladda dhexe in sababo u gaar ah u qaadatay joojinta qaadka ka yimaada dalka.