Madaxweyne lafta gareen oo ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada umada

63

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa maanta ka qeybgalay Xiritaanka Shirka Wadatashiga Beesha Mudulood oo Mudo Afar maalin ah ka socday Caasimada Dalka ee Muqdisho.

Madaxweyne lafta gareen ayaa madasha waxaa ku soo dhaweeyay madaxweynayaashii hore ee soomaaliya, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ka qeyb gashay shirka.

Cabdi casiis lafta gareen oo hadal ka jeediyay shirka ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay iniu ka soo qeyb galo shirka, islamarkaan waxaa uu ku baaqay in beesha ay ka shaqeyso midnimada umada soomaaliya