Madaxweyne Qoor Qoor oo kulamo ka bilaabay Turkiga.

17

Madaxweynaha maamulka  Galmudug Axmed Cabdi Kaarie (Qoor Qoor) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa magaalada Istanbul ku soo dhaweeyay safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga safiir Jaamac , safiir kuxigeenka dalka Turkiga Bishaar ugaas , guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga sheekh Maxamed, Ganacsato,arday iyo bulshada qeybaheyda kale duwan ee ku sugan ee dalkaasi.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa kulamo waxaa uu ka bilaabay magaalada istanbul ee dalka Turkiga.

Madaxwaynaha maamulka Galmudug  waa safarkii ugu horayay ee uu ku tago dalka Turkiga tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug,waxaana la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Turkiga.