Golaha Wasiirada Jubbaland oo ansixiyay kordhinta miisaaniyadda 2020 ee maamulkaasi

1

Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland ahna ku simaha madaxwaynaha Maxamuud Sayyid Aadan ayaa gudoomiyay shirka isbuuclaha ah ee golaha wasiirrada Jubbaland kaas oo ka dhacay madaxtooyada jubbaland.

Kulankan waxaa ka soo qayb galay madaxwayne ku xigeenka labad ee Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, xubno ka tirsan golaha wasiirrada Jubbaland iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan ha’yadaha dawliga ah ee Jubbaland.

Kulankan maanta waxaa lagaga hadlay xaaladda amniga Jubbaland iyo xaaladda guud ee dalka.

Waxaa sidoo kale kulankan warbixinno ku saabsan hawlohooda shaqo lagaga dhagaystay wasaaradaha hawlaha guud iyo guryaynta Jubbaland, wasaaradda dastuurka Jubbaland iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland.

Shirka golaha wasiirrada waxaa sidoo kale maanta lagaga dooday cod aqlabiyad ahna lagu ansixiyay kordhinta miisaaniyadda dawlad goboleedka Jubbaland ee 2020 kaas oo loo gudbin doono baarlamaanka Jubbaland si loo ansixiyo.