QM oo ka hadashay geerida Drs. Xaawa Cabdi

10

Qaramada Midoobey ayaa waxa ay ka hadashay geeridii maanta ku timid Allaha u naxariistee Drs. Xaawa Cabdi Dhiblaawe.

War ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in ay aad uga xun tahay Qaramada Midoobey geeridii Drs.Xaawa Cabdi.

Ehelada, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ayaa qoraalka loogu tacsiyadeeyay geerida Drs.Xaawa Cabdi oo maanta ku geeriyootay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya .