Maxay ka wadahadleen madaxweyne Waare iyo wasiirradii uu la kulmay?

15

Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kula Kulmay qaar ka mid ah wasiirrada dowladda federaalka ku metela Hir-shabeelle, iyagoo ka wadahadlay arrimo kale duwan oo la xiriira xaaladaha ka jira gobollada ay siyaasadda ku metelaan ee Hir-Shabeelle.

Wasiirrada uu la kulmay madaxweyne Waare ayaa kala ah, wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dalka Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, wasiirka Boostada iyo Isgaareiinta Cabdi Canshuur Xasan, wasiir ku xigeenka Gaadiidka Badda Cismaan Cabdi Daallo, waxayna iska xog-wareysteen xaaladaha siyaasadeed, amni, iyo bini’aadanimo ee deegaanada Hir-shabelle.

Sidoo kale kulankaas waxaa Madaxweyne Waare ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hir-shabelle Cabdi Xuseen Geedi, iyo wasiirada madaxtooyada, amniga, iyo dib u heshiisiinta Hir-shabeelle.

Intii uu socday kulankaas waxaa la isla soo hadal-qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo sidii dalka looga samatabixin lahaa xaaladda adag ee hadda uu ku jiro iyo sidii doorasho heshiis lagu yahay ay dalka uga dhici laheyd waqtigeeda.

Madaxweyne waare ayaa maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, isagoo ka waday kulamo uu la qadaayo siyaasiyiita, madaxda dowlada federaalka iyo xubnaha beesha caalamka, kuwaas oo uu kala hadlayey arrimaha siyaasadda dalka.