Khasaaraha dhimasho iyo dhaawaca oo sii kordhay dalka Lubnaan

28

Waxaa sii kordhay tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay qarax xalay fiidnimadii ka dhacay magaalada caasimada ah ee Bayruut ee dalka Lubnaan.

Dhimashada ayaa gaartay in ka badan 100 qof, halka dhaawacana uu hadda kor u sii dhaafay 4,000 oo qof, sida ay warbaahinta u sheegeen waaxda caafimaadka ee dalkaasi Lubaan.

Madaxweynaha dalka Lubaan oo la hadlay warbahinta ayaa waxa uu adduun weynaha ka dalbaday in loo soo gurmado musiibada ku habsatay dalkiisa.

Weli goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda waxaa ka soconaya baadi goob dad weli lagu tuhunsan yahay in ay ku dumeen dhismayaasha waaweyn ee ku bur buray qaraxii xalay.

Dawlada Lubaan ayaa sheegtay in qaraxaasi uu sababay qarax ka dhashay goob bakhaar ah oo lagu kaydin jiray walxo kiimikaal ah .