Maxkamadda ciidamada Soomaaliya oo amartay in xabsiga laga daayo Weriye Abuuja

25

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa amartay in Weriye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja xabsiga laga sii daayo oo xorriyadiisa dib loo siiyo.

Xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa horay weriyahan ugu eedeeyey Shabaab-nimo, iyadoo maalin ka hor ay maxkamaddu soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwadiisa, waxuuna go’aankeedu maanta noqday in xabsiga laga sii daayo.

Abuuja ayaa tifaftire ka ahaa mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho, waxaana eedeymihii loo soo jeediyey ka mid ahaa dil ka dhacay degmada Boondheere, balse sida muuqata waa lagu waayey dembigaas.

Hoggaanka ururrada saxaafadda Soomaaliya ayaa aad ugu olaleynayey waayihii dambe sidii Weriye Abuuja uu cadaalad u heli lahaa, waxuuna dowladda Soomaaliya u xirnaa mudo bilooyin ah.