Dagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Baay & faah faahin kasoo baxeysa

31

Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka deeynuunaay ee Gobolka Baay, waxaana uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku sugan degaankaas iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay werareen degaanka Deeynuunaay,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo dhex-maray Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab.

Dadka degaanka qaarkood ayaa waxaa ay sidoo kale sheegen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen, hayeeshee ilaa iyo hadda aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Al-Shabaab ayaa warar lagu qoray Baraha internet-ka ee taageera waxaa ay ku sheegeen inay la wareegeen deegaanka Deeynuunaay ee gobolka Baay,walow saraakiisha ciidamada ka hadlin,waxaa ay sidoo kale ay sheegeen inay weerarkaasi ku dileen Sakaal ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed oo Magaciisa ku sheegen Yuusuf Boorweyne.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka koonfur Galbeed iyo Maamulka degaanka Deynuunaay weli kama hadlin dagaalka ka dhacay degaankaas, iyada oo dhowr jeer oo hore ay weeraro kala duwan ka dhaceen.