Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay geeridii Drs.Xaawa Cabdi

52

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Marxuumad Drs. Xaawa Cabdi Dhiblaawe.

Waxa uu marxuumad Drs.Xaawo Cabdi Alle uga baryey in uu Janatul Fardowsa ka waraabiyo,eheladii, asxaabtii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ay ka tagtayna uu  samir iyo iimaan ka siiyo.

Dr.Xaawa Cabdi Dhiblaawe ayaa maanta waxa ay ku geeriyootay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, waxaana geerideeda warbaahinta u xaqiijiyay eheladeeda.

Dr.Xaawa Cabdi ayaa waxaa lagu xusuusan doonaa hawli samafalka dhanka caafimaadka ahaa ee ay ka gaystay Soomaaliya, gaar ahaan intii lagu guda jiray burburkii iyo dagaalladii Sokeeyee ee dalka.