Dawlada Kenya oo ka hadashay diyaaraddii ku dhacday degmada Dhoobley

37

Dawladda Kenya ayaa waxa ay war ka soo saartay diyaarad ay la haayeen ciidamada difaaca ee dalkaasi Kenya taas oo ku bur burtay degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeen u hadashay ciidamada Difaaca Kenya ayaa waxa ay sheegtay in hadda ay xaaladoodu soo wanaagsanaaneyso 10 ruux oo diyaaradda laga soo badbaadiyay kadib markii ay shilka gashay.

Dadkan ayaa waxa ay sheegtay in hadda xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee Kenya.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in hadda dawlada Kenya ay ku hawlan tahay baaritaannada wixii sababaha dhaliyay in ay dhacdo diyaaraddan militeri ee ay lahayd Kenya .

Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyay waxaa ku sii kordhayay diyaaraha ay leedahay Kenya ee shilalka ku gelaya, taas oo ilaa iyo hadda aan la ogayn intooda badan sababaha keenay.