Qaraxyo waa weyn oo ruxay magaalada Beirut ee dalka Lebanon

14

Laba qarax oo waa weyn ayaa ruxay magaalada Beirut ee caasimadda Lebanon, kuwaas oo dhaawacay tobaneeyo qof, gilgilay dhismooyinka, islamarkaana qiic badan kusii daayey hawada magaalada.

Warbaahinta Lebanon ayaa baahiyey muuqaallo muujinaya dadweyne ku hoos jiray burburka dhismooyin, kuwaasi oo qaarkood dhiig badan uu ka daadanayey.

Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa sababay qaraxyada.

“Qaraxyada waxaa ku dhaawacmay tobaneeyo qof,” waxaa sidaas yiri ilo-wareedyo amni.

Weriye ka tirsan AFP oo goobta ku sugan ayaa sheegay in dukaan kasta oo ku yaalla degmada ganacsiga ee Hamra, ee qaraxa uu ku dhacay, ay waxyeello soo gaartay, ayada oo dhammaan qeybahooda hore ay burbureen, halka baabuur bandanna sidoo kale ay waxyeelo gaartay.

Waxaa la arkayey dad dhaawac ah oo waddooyinka soccda, kuna sii jeeda xarunta caafimaadka Clemenceau, ayada oo qaarkood uu dhiig daboolay jirkooda.

Qaraxyada ayaa laga maqlay meelo fogaanshahooda uu gaarayo magaalada Nicosia ee jasiiradda Qubrus, oo 240 km u jirta Beirut.