Daacish oo qirtay in buuraleyda Puntland looga dilay sarkaal sare

32

Dagaalameyaasha Daacish ayaa waxay qirteen sarkaal ajnabi ah oo looga dilay duqeyn dhanka cirka ah, taas oo diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen buuraleyda Goolis ee deegaanada  Puntland oo dhaca bariga Soomaaliya.

Inkasta oo Daacish aysan si rasmi ah u shaacin goorta ay dhacday duqeyntaas, Al-Naba  oo kamid ah baraha internet-ka ee faafiya wararka kooxdaas, ayaa magaca sarkaalkaas ku sheegay Khaalid Jaamac Maxamed Cusmaan.

Bishii hore ee July ayay ahayd markii u dambeysay ee Mareykanka uu duqeyn ka geystay Puntland, gaar ahaan dhulka buuraleyda ah.

Taliska ciidanka PSF-ta Puntland xilli uu duqeyntaas iyo dagaal toos ah oo ay la galeen kooxda uu faahfaahin ka bixinayey waxa uu sheegay inay dileen sarkaal ajnabi ah iyo 20-dagaalame oo Daacish ahaa.

AFRICOM oo July ka hadashay duqeyntaas waxay sheegtay  in todoba Daacish ah ay ku dileen dhulka buuraleyda ah ee uu ka arrimiyo maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Sidda ku xusan warbixinta Al-Naba, Khaalid Cusmaan wuxuu ahaa xubin sarre oo warbaahinta u qaabilsanaa kooxda Daacish.

Khaalid waxaa Daacish looga dhex-yaqaanay Abuu Osoma al-Muhaajir waxuuna kamid ahaa xubnaha kasoo goostay Al-Shabaab sanadkii 2010-kii ayaa lagu sheegay warbixintan in uu ku biiray ururka Daacish.

Sidoo kale Al-Naba waxay qortay in Khaalid Jaamac oo ah sarkaalka lagu dilay Puntland oo la aaminsantyahay in uu u dhashay Pakistan, in kastoo aan si buuxda loo cadeyn, hadana waxay werisay in isaga oo jira 15-sano ay ciidamada xuduudaha Pakistan qabteen, xilli uu xadka dalkaas kasii talaabayey, isla markaana ay hoygiisa ku celiyeen.

Ugu dambeyntii waxaa lagu sheegay warbixintan in Khaalid uu si fiican u yiqiinay Luuqadda Carabiga, isla markaana uu kooxda u qaabilsanaa dhinacyada xiriirka caalamiga ah iyo warfaafinta.