Mahdi Guuleed oo shir guddoomiyey kulan looga hadlay arrimo xasaasi ah

5

Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay ka jawaabidda xaaladaha deg dega ah ee dalka ka jira.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay wax ka qabashada fatahaadaha, COVID-19 iyo Ayaxa oo kamid ah xaaladaha ugu daran ee xilligaan dhibaatada ku haya dalka.

Kulanka intii uu socday waxaa la isla gartay in la sameeyo guddi isku dubba rida oo ka shaqeeya howlaha ku xeeran wax ka qabashada, mudnaan-siinta iyo dardar gelinta dadaallada lagu yareynayo qatarta.

Wasiirka gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Soomaaliya Xamza Saciid Xamza ayaa kulankaas ka dib warbaahinta u akhriyey qodobadii looga hadlay.