Cali Mahdi “Dowlad fiican hadaan waayo qorigeygii cadaa weli xabadii lagama bixin”

19

Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed oo hadal ka jeediyey shirka beelaha Mudullood ayaa sheegay in shirku yahay shir mudullood oo aan mucaarad iyo muxaafid aan kala laheyn, isla markaana nin aan mudul laheyn uusan goobta joogin.

“Nin la dhihi karo hadal la siinayo ma jirto, nin walba cod leeyahay, nin walba akhtiyaar leeyahay, waa la dhageysanayaa waa loo sacbinaya wuxuu dhaho asigaa yiri, sidaas shir ku noqonayaa, sidaas shirka guul ku gaari karaa” ayuu yiri.

Cali Mahdi ayaa soo hadal qaaday arrimaha doorashada dalka ayaa sheegay in waqtiga xil heynta dowladda uu yahay afar sano, isla markaana xil heyntiisu ay maanta joogto meel xuduud ah, lama huraana ay tahay in waqtigeeda doorashada lagu qabto.

“Dowlad fiican ayaan rabaa ninkii aan ka qaayana qorigeygii cadaa weli gurigii cadaa weli xabadii lagama bixin, warku in uu cadaadaa la rabaa, dowladda maanta joogta ka yeeli meyno doorasho la’aan.

Madaxweynihii hore Cali Mahdi oo soo qaatay taariikh hore ayaa sheegay in hadda ka hor uu tegay Jabuuti oo dib loogu soo dhisayey dowladnimada Soomaaliya, isla markaana uu halkaas ugu tegay wixii uu filayey wax ka duwan.