Wasaaradda waxbarashada dalka oo amar cusub ku soo rogtay dugsiyada sare ee dalka

14

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta soo saartay xeerka dhaqan galinta Manhajka Qaranka, dugsiyada sare ee dalka.

Warqad ka soo baxday wasaaradda waxbarashada dalka ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo ay ku beegan 4-ta bisha Agoosto, ay khasabtahay in dugsiyada sare ee dalka laga dhigo Manhajka Qaranka, isla markaana aysan dowladda Soomaaliya aqbali doonin Manhaj kale.

“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 4-ta bisha Agoosto waxay wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya u aqoonsatay buugaagta manhajka dugsiyada sare in uu yahay midka kaliya ee laga dhigi karo dugsiyada Sare ee dalka ” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda.